Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor ayaa saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka dhagaxyaale oo dhanka Koofureed ka xiga Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Intuu howlgalka socday Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Al-shabaab ayaa halkaas ku dagaalamay.
Dagaalka ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka GorGor ayaa soo bandhigay Meydadka Al-shabaab kuwaas oo lagu dilay dagaalka ka dhacay dhagaxyaale, waxaana isla goobta looga furtay Al-shabaab hub, gaari nuuca raaxada ah iyo miino aysan wali adeegsan.
Xubnaha dagaalka lagu dilay waxaa kamid ah sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Guriceel.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shaabab oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka dhagaxyaale oo dhanka Koofureed ka xiga Degmadda Guriceel.




