Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dil xalay Magaaladda Muqdisho loogu geystay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Macoow.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan ciidankooda ay Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir ay ku dileen AUN C/raxmaan Macoow,xili uu kasoo baxay masaajid ku yaala Degmadaas.
Al-shabaab ma aysan shaacinin sababta ay u beegsadeen Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Macoow, oo mudooyinkii dambe daganaa Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Macoow ayaa dhawaan Magaaladda muqdisho ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay kursi kamid ah kuraasta taala Magaaladda Beledweyne.

