Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Wadahadal la Yeeshay Shakhboot Nahyan

0
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.
Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.
Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here