Wasiir Jamaal:-“Xildhibaan Gavin Williamson Waa Jaahil, aan Aqoon Soomaaliya”,!

0

Wasiirka Qorshaynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalaland.

Waxa uu sheegay  in xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka UK uu yahay jaahil aan aqoon badan u lahayn arrimaha gudaha dalka Soomaaliya,loona baahan yahay in uu raaligalin uu ka bixiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland maamul hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana wixii arimhaas ku saabsan lagala hadlaayo Dowladda federaalka Soomaaliya.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.”ayuu yiri wasiir Jamaal.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here