Wasiir Duraan oo Ka Hor Yimid Sida Loo Maamulay Kursiga Hop166

0

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xukuuamdda Federaalka Soomaaliya Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in hab baalsan sharciga loo maamulayay kursiga Tirsigiisa yahay Hop166.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Nabaddoonada Beesha Kursigaas ka dhexeeyo aan wax door ah laga siin xulista Ergada dooranaya Kursiga HOP166.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay Hop166u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin,Xubnaha Xulaya Ergada iyo ergada ay soo xuleenba maahan kuwo haysta matelaad bulsho, waxaana arrintaas ku faahfaahinayaa Shir Jaraa’id oo aan siin doono warbaahinta Insha allah” ayuu yiri wasiirka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here