Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Magaaladda Muqdisho keento hogaamiyaha kacdoonka Gobolka Hiiraan Abuukar Xaaji Warsame (Xuud).
Wafdi oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidamadda dhulka Soomaaliyeed Generaal biixi ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladda Muqdisho.
Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday HirShabelle ayaa sheegay in Dowladda awgeed Magaaladda Muqdisho u yimaaday uusan wali aqoonsaneen Hir-Shabeelle.
“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu yiri Jeneral Xuud.
Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo horey uga hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa sheegay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, maadaama Villa Soomaaliya ay haatan dadaal xoogleh haatan galineyso xiisadda Beledweyne.

