Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed ibraahim Barre ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Guddigaas.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in la magacaabay ilaa 5-xubnood oo ka shaqeyn doona Doorashadda Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal,kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo in uu la shaqeeyo Madaxtooyadda Soomaaliya.


