Xasan Shiikh:-“Doorasho Xumaata Waxa Ka Dhalan Kara Qof Walba Waa Og Yahay”,!

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay,xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Muuqaal uu soo duubay ayuu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka,wuxuuna ka digay in dib dhac kale doorashadda dalka lagu keeno.

Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in mudada loo cayimay in doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo ay ku qabsoomi karto balse waxa uu ka digey in muddo kale lagu darsado qabashada doorashada.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay in Doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, 40ka maalmood waxa aan aaminsanahay in lagu qaban karo, haddii ay noqoto 41, 43 ama 45 cishe waxaa la dhihi karaa waala simbiriqay Laakiin Madaxda Dowladda Federaalka Dowlad-Goboleedyada aad ayay u adag tahay in la aqbalo oo cudur daar malaha bil ama saddex in ay sii socota”

“Doorasho xumaata waxa ka dhalan kara, waa sida ay noqdeen dalalka Afghanistan, Ciraaq iyp Liibiya, dalka iyo dadka Soomaaliyeed ma u dulqaadan karo doorasho xumaata, dowladnimadu laablaab ma gasho, Dowladnimu been ma aha mana la isku cabsi geliyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa imaanaya xili isha lagu wada hayo jadwalka cusub ee doorashadda iyo sida loo dhaqan galin doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here