Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxa Muqdisho Ka Dhacay

0

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen Al-Shabaab ayay ku sheegeen in qaraxa oo gaari loo adeegsaday lala beegsaday Saraakiil Cadaan ah,uuna ka dhacay 21 October Waabari ee Magaaladda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay warbaahintooda.

Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa ka dhashay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here