Faah-faahin:-Qaraxa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa loo adeegsaday ayaa lala beegsaday saraakiil ka Tirsan Qaramadda Midoobay oo marayay wadada 21-October Degmadda Waabari ee magaaladda muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 5-ruux oo shacab u badan,balse booliska ayaa lagu wadaa in ay warbaahinta usoo bandhigaan khasaaraha qaraxa.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha soo gaaray saraakiisha Qaramadda midoobay ee Qaraxa lala beegsaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here