In Ku Dhow Boqol Dhalinyaro Ah Oo Saakay Dalka Dib Loogu Soo Celiyay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay ku guuleysatay in dalka  dib loogu soo celiyo dhalinyaro tahriibayaal ah oo muddo ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan oo gaaraya 97-qof ayaa waxaa ku jira shan haween ah, kuwaas oo muddo ku xanibnaa dalkaas Liibiya, waxayna muddadii ay ku sugnaayeen dalkaas la soo kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo xagga nolosha ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Cabdisaciid Muuse iyo masuuliyiin kale, ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo celin lahayd tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha, waxaana jira dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaaliyeed oo horay dalka dib loogu soo celiyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here