Joe Biden oo Xil u Magacaabay Sarkaal Sare oo Somali-Maraykanka ah

0

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa la-taliyaha sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u magacaabay Xamse Warfaa oo ah sarkaal sare oo Somali-Maraykanka ah oo ka tirsan dowlad-goboleedka gobolka Minesota.

Madaxweyne Biden ayaa u magacabay Xamse la taliyaha sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda qaybta xuquuqul insaanka iyo demoqraadiyenta.

Xamse, oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee dowladda gobolka Minnesota, ayaa noqonaya Soomaaligii ugu darajada sarreeyey ee uu madaxweyne Mareykan ah xil u magacaabo.

Xamse ayaa shaqada DEED ka tagaya 17-ka Janaayo, markaasi oo uu kadib ku biiri doono Wasaaradda Arrimaha Dibedda, isaga oo kaalin weyn ka cayaari doona sare u qaadidda Dimoqraadiyadda ee dunida iyo imaatinka qaxootiga ee Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here