Maxkamadda CQS Qeybteeda Gobolka Gedo, ee Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa Ciidamadda daraawiishta maamulkaas.
Xukunkaan ayaa ka dhacay fagaaraha Barxadda toogashada Degmadda Luuq-Ganaane ee gobolka Gedo.
Askariga xukunka dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacabaa Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor”.
Sida Maxkamadda ay sheegtay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” ayaa lagu fuliyay dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle uu ku dhex dilay Saldhiga Degmada Luuq.
Maxkamadeyntiisa ayaa mudooyinkii dambe ka socotay Degmadda luuq ee Gobolka Gedo.

