Dowladda oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 25-Al-shabaab ahaa

0

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor oo degaan hoosyimaado Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay ku dhawaad 25-dagaalyahan iyo saraakiil katirsan Al-shabaab kadib markii ciidanka howlgal qorsheeysan ku gaareen halkaasi

Abaara 3:00 Pm Galabnimo ayay ciidanka kumaandooska xoogga howlgal qorsheeysan ku gaareen inta u dhexeeysa Tawakal iyo Bariire iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan kaasi oo Jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad kumaandooska CQDS ee Gor-gor  (Dhamme Nageeye) ayaa sheegay in ciidanka ay kawarheleen in Al-shaab ay isku uruursanayaan inta dhexeeysa degaanka Bariire iyo tuulada Tawakal ee gobolka Shabeelaha hoose kuwaasi oo Shacabka Soomaaliyeed u maleegayay dhagar.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay Al-shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogaan islamarkaasna ay ka dileen 25-dagaalyahan iyo dhaawac intaasi kabadan isagoona xusay inay  meeydadka shabaab daadsanyihiin wadooyinka degaanka ay ciidanka howlgalka qorsheeysan ka fuliyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here