Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.
Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

