Qaramadda Midoobay ayaa ka hadashay Dagaaladii maalmihii dambe ka socday Magaaladda Boosaaso, iyo dadkii ku barakacay dagaaladda ka dhacay Magaaladda kuwaasi oo haatan deegaan saday banaanka Magaaladda.
Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dhanka Gargaarka Bani aadamnimada ee Soomaaliya Aadam Abdulmoula oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay dagaalka Boosaaso oo sabab u noqday Barakaca Kumanaan ruux oo lagu dul dagaalamay iyada oo xaalad la joogo waqtiga is badelka cimilada Magaaladaas.
Sidoo kale waxa u sheegay in Hay’adda ay diiwaangalisay in kumanaan ruux oo isaga barakacday Guryahooda kaddib markii cabsi ay ka muujiyeen hubka culus oo meelo ka fog goobaha dagaalka ku dhacay.
“Waxa aan walaac ka muujineynaa dadka ka barakacay dagaalka Magaalada Boosaaso oo saameyn taban ku reebay noloshooda, 40% dadkii ku barakacay Magaaladaas ayaa dib usii barakacay, Boosaaso waxa ay horay u martigelisay 70,000 oo ruux oo dib u sii barakacay” ayuu yiri Adam Abdelmoula.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari waxaa ku dagaalmay Ciidamadda Maamulka Puntland iyo kuwa PSF-ta ee taageeradda ka hela Dowladda Mareykanka,waxaana dhowr jeer fashilmay wada-hadal u dhaxeeyay Labdda dhinac oo loogu baaqsan rabay dagaaladda magaaladda ka dhacay.
Khilaafka ayaa ka dhashay xil ka qaadis uu Madaxweynaha Maamulkaas uu ku sameeyay agaasimaha Hay’adaas,balse ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.

