Wararka naga soo gaaraya gobolka bay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacado ka hor dagaal culus uu ka dhacay gudaha magalaada beydhabo ee gobolkaasi
dagaalkaan culus ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada maamulka koonfurgalbeed ay ku lahaayeen magaalada beydhabo
waxaana la sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo dhexmaray ciidmada daraawiishta koonfur galbeed iyo xubno ka tirsan alshabaab.
ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rsaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaalkaani
al-shabaab ayaa wararka ay ku baahiyaan dhianaca in tarteenka ku sheegtay dagaalkaan iyagoona tilmamaay in khasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada maamulka koonfur galbeed
al-shabaab si rasmi ah uma shaacin khasaaruhu tiro ahaan inta uu la egyahay balse waxa ay sheegeen in qasaaro uu jiro
dagaalkaan ayaa kusoo aadaya xili magaalada beydhabo ay ku suganyihiin madaxda dowladda gaar ahaana Raiisul wasaraaha xukuumada faderaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka

