Ra’iisul Wasaare Rooble Oo lagu Eedeyay Boobka Dhulka Ciidanka Badda

0

taliska ciidanka badda soomaaliyeed ayaa waxa ay madaxda dalka ku eedeeyeen in ay boobayaan dhulkii loogu talagalay ciidanka baddu in uu dago.

taliyaha ciidanka badda gen.cabdixamiid maxamed dirir ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan dhul ciidanka baddu lahaa oo dad gaar ah ay dhisanayaan iyaga oo garab ka helaya xukuumada soomaaliya

taliyaha ayaa sheegay in Raiisul wasaare maxamed xuseen rooble uu si boob ah ku dhisanayo dhul dan guud ah oo kuyaal xeebta

waxaana uu tilmaamay in dhulkaas loogu talagalay in xarumo ay ka dhistaan ciidanka badda oo shaqadoodu tahay in ay cadowga ka ilaaliyaan badda

taliye cabdixamiid ayaa xusay in ay soo gaareen caga jugleyn ku aadan in xilka laga qaadayo balse uu ka doorbiday in uu ka dhabeeyo waaajibaadka saaran iyo wixii uu u dhaartay

waxaana uu sheegay in marnaba aysan aqbalayn in dano shaqsi ah lagu sameysto dhulka danguud oo xil gaar ah ay ka saaratahay iasga oo intaasi ku daray in inta uu joogo uu cadeyn doono wax kasta oo ladooonayo in hoosi dhulkaasi lagu qaato

ugu dambeyn taliyaha ayaa ugu baaqay Raiisul wasaaraha iyo xulafadiisa in ay ka tanaasulaan boobka sharcidara ah oo ay kuhayaan dhulka ciidanka badda soomaaliyeed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here