Siyaasiyiinta Dalka Oo Rajo Xumo Ka muujiyay Doorashada

0

Iyadoo wali Doorashada Golaha Shacabka ay si gaabis ah haatan dalka uga socoto ayaa waxaa isi soo taraya walaac xoogan ee laga qabo doorashada iyo qaabka ay kusocoto.

Qaar Kamid ah siyaasiyiinta Dalka ayaa waxa ay ka dayriyeen suurtagal nimada ay Doorashada sax ah dalka uga dhici karta marka la fiiriyo qaabka ay haatan kusocoto ee boobka iyo Tabashooyinku hareeyeen Doorashada

Waxaana ay sheegeen in doorashadu si ay ku bilaabatay iyo sida hada ay kusocoto ay tahay aysan aheyn mid haboon

Muqtaar maxamed Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta Dalka oo hadlay Idaacada simba ayaa waxa uu hadlay arimo badan oo ku sabasan Doorashada dalka

Waxaana uu Rajo xumo ka muujiyay Doorashada isagoo sheegay in loo baahnaa in khalaadka dhacay ee Doorashada in la saxo balse aysan taasi dhicin Waxaana uu tilmaamay in Wixii haatan ka dambeeyana la filankaro dhacdooyinka kale oo ka xun kuwa haatan jira

Hadalka siyaasiga ayaa kusoo aadaya xili muddoyinkii dambe ay isi soo taratyeen tabashooyinka la muujinayo qaabka ay kusocoto Doorashada dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here