Waxaa maanta oo Axad ah lagu wada in magaalada muqdisho ee caasimada dalka in ay ka dhacdo doorashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta xubnaha gobolada waqooyi ay ku leeyihiin aqalka hoose.
Guddiga Doorashooyinka gobolada ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maanta ay qabanayaan dorashada kuraasta sumadoodu tahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255,
waxaana ay musharaxiinta ka dalbadeen in waqti hore ay soo xaadiraan si ay doorashadu u bilaabato
amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeyay ,waxaana la arkayaa ciidamao aad fara badan kuwaasi oo sugaya amaanka goobta ay doorashadu ka dhacay.
doorashada afartaan kursi ayaa waxa laga muujinayay walaac xoogan oo ku aadan in laisku heysto cidda sida saxda ah kuraastaan ugu tartami karta
hal maalin ayaa dib loo dhigay kuraastaan oo shalay aheyd maanta ayaana lagu wadaa in la qabto doorashada afartaan kursi oo kamid ah kuraasta doorashada gobolada waqooyi

