Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Lagu Eedeeyay in uu Musuqmaasuqayo Doorashada

0

Waxaana marmarba marka kasii dambeysa soo badanayay Cabashoyinka laga muujinayo Doorashada Golaha Shacabka ee dalka si dardarta leh uga socota iyadoona haatan si aad ah Doorashada loogu dhaliilayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah hogaamiyaha Doorashada.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Dalka ayaa sheegay In Ra’iisul Wasaaruhu uu wada qadan marinayo Doorashada islamarkaasna uu dano gaar ah ka shaqeynayo.

Xuseen Carab ciise oo ka mid ahaa xildhibaanada barlamaanka Aqalka Hoose Ee waqtigoodu dhamaaday ayaa waxa si kulul u cambaareeyay si ay haatan kusocota Doorashada Golaha Shacabka isagoo sheegay in Dano shaqsiyadeed loo eegayo.

Xildhibaanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay in uu ka shaqeynayo sidii madaxweynaha Farmaajo kusoo noqon lahaa taasi ay tahay dan gaar ah isana rabin in uu qabto doorasho xor iyo xalal ah.

Xildhibaan Xuseen ayaa dhankale xusay in arintaasi aysan kayeeli doonin islamarkaasna ay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xulafadiisa ay dacwad ka gudbin doonan si cadaalad loo helo.

Cabashooyin laga qabo doorashada ayaa iska isku sii shareeray kadib uu soo ifbaxay boobka ku raasta qaar ee Golaha Shacabka.

Waxaana jirta in Ra’iisul Wasaare Rooble uu shalay xilka qaadis ku sameeyay xubno ka mid ah guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka kuwaas oo lagu eedeyay in aysan wax ka qaban tabashiiyinka laga qaba Doorashada ama ay ku milmeen siyaasada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here