Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Jowhar

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku waramaya in qarax uu halkaas ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Xaafadda Horseed ee Magaaladda Jowhar,gaar ahaan Garoonka lagu dheelo Kubadda Cagta.

Sida ay xaqiijiyeen Laamaha amaanka Magaaladda Jowhar, ma jiro qof waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxa dhacay.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Magaaladda Jowhar ay isku diyaarinayso qabashadda doorashadda Xildhibaadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga Magaaladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here