Iyadoo Guddiga Doorashooyinka Gobollada Woqooyi dib u dhigeen Hal maalin doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha waqooyi ayaa waxa Gabi,aanba qabashada Doorashada Afartaasi ku kasoo horjeestay xubno ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland
Waxaana qaar ka mid ah xubnaha qaadacay doorashadaasi in la qabto ay sheegeen in kuraasta ay tabasho ka jirto inta laga xalinayana loo baahanyahay in aan la qaban wax doorasho ah
Proff Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah xubnaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxa uu sheegay in kuraasta doorashada la shaaciyay ay yihiin kuwa is qabqabsi badan uu ka taaganyahay islamarkaasna ay qasabtahay in aanba la qaban doorashadooda inta laga xaqiijinayo cida Sida saxda ah uleh matalaadeeda
Profka ayaa tilmaamay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto hadii Guddiga Doorashadu uu ku adkeysto qabashada doorashada iyadoo aan laga heshiin
Isagoo aqoonyahanku ka digay in laisku dayo in la boobo afartaasi kursi
Maanta oo sabti ah ayaa lagu balansanaa in la qabto doorashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Gobollada Woqooyi ay ku leeyihiin Aqalka hoose ee Barlamaanka soomaaliya doorashadaas oo Guddiga doorashooyinka Gobollada Woqooyi uu sheegay in si ku meel gaar ah loo hakiyay hal maalin iyadoona aqoonyaha kasoo jeeda Soomaaliland ay dalbadeen in doorashada aan la qaban iyadoo aan la xalin

