Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Dib U Dhigay Doorashadii Maanta

0

Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi ayaa hal maalin dib u dhigay doorashada  afar kursi oo maanta lagu lansanaa in la qabto.

war qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka  gobolada waqooyi ayaa waxa lagu sheegay in doorashadii maanta dib loo dhigay ,waxaana musharaxiinta la ogeysiiyay in maanta bari oo axad ah si rasmi ah loogu soo diyaar garoobo doorashada.

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay:-

HOP#262.
HOP#229.
HOP#254.
HOP#255.

Doorashadaan dib loo dhigay ayaa waxa ay imaanaysaa xili wali ay jiraan cabashooyin badan oo laga muujinayo doorashada aqalka hoose taasi oo ku aadan in ay jiraan wax isdaba marin iyo boobka kuraasta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here