Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku waramaya in qarax uu ka dhacay Magaaladaas.
Qaraxa oo laga maqlay meelo kala duwan ayaa lala eegatay Mas”uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Qaraxa oo ilaa haatan aan la cadeynin noociisa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Xildhibaanada ku dhaawacmay qaraxanó ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Maxamed Cumar,Yuusuf C/dir Karaani.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay mid kamid ah Nabadoonadda Hir-Shabeelle sida la xaqiijiyay.

