Iyadoo ay gabi ahaanba hakad gashay doorashada golaha shacabka oo dhawaan si dardarleh dalka ugu bilaabatay ayaa waxa lagu eedeeyay in doorashada ay isku hor gudbeen xubnaha mucaaradka dowladda gaar ahaana murashaxiinta
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa sheegay in doorashadu ay ka socon la,adahay midowga musharaxiinta islamarkaasna ay iskudayayaan in ay carqaladeeyaan kadib markii ay danahooda ka dhex arki waayeen.
La-taliyaha Hogaanka maamulka gobolka gedo oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu ka hadlay arimo kusaabsan doorashooyinka dalka
Waxaana uu sheegay in xubnaha midowga musharaxiintu ay caqabad ku yihiin qabsoomida doorashada golaha shacabka
La taliyaha ayaa ku eedeeyay musharaxiinta in ay ku shaqeynayaan fikrado dowladda shisheeye taasi oo uu sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin shacabka soomaaliyeed
Dhankale isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in markii hore doorashada iyo socodsiiteeda ay carqalad ku ahaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka haatana ay u wareegtay dhinaca musharaxiinta
Waxaana uu intaasi ku daray in doorasho xor iyo xalal ah ay dalka ka dhaceyso hadii aan laisku dayin in la carqaladeeyo
Hadalka lataliyaha ayaa kusoo aadaya xili gaabis uu ku yimid doorashada golaha shacabka maamul goboleedyada dalka qaarkoodna aysan wali bilaabin.

