Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Khasaare kala duwan geystay oo maanlintii labadaad ka soconaya inta u dhexeysa Degmada Guriceel iyo deegaanka Balanbale oo ka wada tirsan Gobalka Galgaduud.
Dagaalkaan oo shalay Galinkii dambe soo bilowday ayaa waxa uu u dhexeya laba maleeshiyaadka beeleed iyadoona uu ka dhashay dagaalku khilaaf soo kala dhexgalay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan halkaasi.
Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalku uu geystay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkaan iyo qasaaraha ka dhashay.
Waxaa uu sheegay in dagaalku uu yahay mid sii xoogeysanaya isagoo sheegay in ku 10 qofood ay dhinteen tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dhankale qofkaan ka mid ah dadka deegaanka oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaalka kasocda inta udhexeysa Guriceel iyo Balanbale ay hurinayaan madaxda dalka isagoo ku eedeeyay si gaar ah madaxda dowladda faderaalka ah in dagaalka ay ku lugleeyihiin.
Waxaana uu intaasi ku daray in ilaa iyo haatan aysan jirin wax cid kala dhexgashay labada beeleed ee si macna darada ah dhiiga iskaga daadinaya.
wali majirto wax talaabo ah oo maamulka galmudug uu u qaaday dagaalka marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanaya ee ka socda inta udheysa guriceel iyo balanbale oo ka wada tirsan gobolka galgaduud
dagaalkaan ayaana imaanaya xilli maamulka galmudug uu muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa dagaalka kooda ahlusuna

