Xubno ka mid ah Gobolada Waqooyi Oo Ka Digay Qaabka ay Doorashadu usocoto

0
Guddoomiayaha aqalka sare Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi

iyadoo wali ay isi soo tarayaan cabashooyinka iyo walaaca laga muujinayo doorashada aqalka hoose ee dalka kasocota ayaa waxa xubno ka soo jeeda gobolada waqooyi gabi,aanba ay kasoo horjeesteen si ay uscoto haatan doorashada golaha shacabka oo ay ku tilmaameen in ay qaldan tahay.

Qaar ka mid ah ka mid ah ismada kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa sheegay in habraacayadii iyo heshiiskii doorashada la balmaray islamarkaasna loo baahanayahay in wax laga badalo qaabka boobka ah ee haatan doorashadu isu rogtay.

Boqor maxamed jaamac oo ka mid ah ka mid ah isimada gobolada waqooyi oo la hadlay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay doorashada golaha shacabka ee dalka ka socota iyo qaabka loo wado haatan
waxaana uu sheegay in qaabka doorashadu haatan usocoto ay tahay mid aan sax aheyn oo qasab ay tahay in isbadal deg deg ah lagu sameeyo.

boqorka ayaa tilmaamay in boobka kuraastu uu cad dhaaf noqday islamarkaasna laga weecday wadadii saxda aheyd ee doorashadii isagoo intaas ku daray in hadii la doonayo doorasho xalal ah in dalka ay ka dhacdo isbadal dhab ah lagu sameeyo qaabka ay haatan doorashadu ku socoto oo uu sheegay in uu gabi,aanba qalad yahay.

dhankale Boqor maxamed oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo qoraalkii kasoo baxay cabdi xaashi kaasi oo lagu qaadacay kuraasi ka mid ah gobolada waqooyi oo lagu dhawaaqay xubnaha u tartamaya
waxaana uu sheegay in hadii cabdixaashi uusan dan gaar ah ka wadan arintaasi ay tahay mid bogaadin mudan.

isqabqabsiga la xariirada doorashada ayaa sii kordhaya xili shalay 4 musharax oo xilal ka haya dowladda ay kasoo horjeesteen 16 kursi oo lasoo saaray kuwaas oo kamid ah gobolada waqooyi islamarkaasna lagu waday in doorashadooda la qabto maalmaha soo socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here