RW Rooble Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeele Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Doorashooyinka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku xigeen dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle sida arrimaha amniga, abaaraha, dhibaatooyinkiii ay geysteen fatahaadaha iyo doorashooyinka

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo in Hirshabeelle ay ka bilaabato doorashada golaha shacabka oo si daahfuran u qabsoonta.

Madaxweyne Ku xigeenka hirshabeele ayaa Raiisul wasaaraha warbixin ka siiyay dadaalada gurmadka ah ee wado maamulku isagoo cadeeyay in gacanta dowladda dhankeeda wax ay ugabaahanyihiin in garab ay kasiiso

sidookale dabageed ayaa sheegay in ay wadaan sidii ay doorashada golaha shacabka deeganada hiershabeele iga bilaaban laheyd islamarkaasna jiraan wax yaabo farsamooyin ah oo ay dhameystirayaan si raasho xor iyo xalal ah loo qabto

wararka ayaana sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu uu madaxweyne ku xigeenka hirshabeele ku bogaadiyay dadaalada ay wadaan ee hirgalinta dhanka doorashooyinka uuna ugu baaqay in ay dadajiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here