Warar ka imaanaya dhulka dowlad deegaanka soomaalida etoobiya ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Soomaalida & Canfarta ay ka taagan tahay qeybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida
wararka ayaa sheegaya in xiisadaan ay timid kadib markii la sheegay in canfarta ay Ciidamo aad u fara badan kusoo daad gureeyeen dhanka dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.
ilo deegaanka ah ayaa ku soo waramaya in maanta ay dareemayaan cabsi xoogan oo ku aadan in dagaal udhexya soomalaiada iyo canfarta uu bilowdo
dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii dagaal culus oo faraha laiskaga gubtay uu gobolka city ee dhulka dowlad deegaanka ku dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta
dagaalkaasi oo uu ka dhashay qasaaro kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.
wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya haatan dhulka dowlad deegaanka soomaalida ayaa waxa ay soo sheegayaan in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo balaaran oo ay wadaan ciidanka canfarta ee lasoo dhoobay deegaanka ku yaal dhulka dowlad deegaanka
waxaana la sheegay in mar walba la filan karo jawaab celin dhanka ciidamada soomaalida
ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Dowlad Deegeenka Soomaalida iyo Kuwa Canfarta oo looga hadlayo Xiisada Dagaal Ee maanta Kasoo Cusboonaatay Meelo Ka Mid ah Dhulka Dowlad Deegeenka Soomaalida

