Ciidamada Booliska Degmada Howlwadaag iyo kuwa kuwa guur guura ayaa xalay howlgalo qorsheysan ka fuliyay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada howl-wadaag
howlgalka waxa hogaaminayay taliyaha Ciidanka booliska Degmada iyo taliyaha nabad sugida Degmada Howlwadaag
waxaana u jeedka howlgalkaan lagu sheegay in uu yahay mid amni xaqiijin ah oo la doonayo in amniga lagu sugo
inta uu socday howlgalkani ayaa waxa lagu soo qabqabtay dhaliyaro aad utiro badan kuwaasi oo laga qabtay wadooyinka.
sidookale howlgalka ayaa ahaa mid ciidamadu ay guri guri u baarayeen xaafadaha qaar ee Ku yaal Degmada Howlwadaag
Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada howlwadaag saalax carab oo dhalinyarada howlgalka lagu soo qabtay la hadlayay ayaa wax uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ka shaqeyso xasiloonida iyo amniga degmada islamarkaasna ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka oo ay lasoo wadaagaan waxwalba oo amniga wax u dhimi kara
taliyaha ayaa sidookale faray dhalinyarada in aysan qeyb ka noqon ku sameynaya falal amniga lidiga ku ah ee istimaalay waxyaabaha maanka dooriyada kuwaasi oo dhac iyo dil u geystay shacabka soomaaliyeed
ugu dambeyn taliska ciidanka booliska degmada howlwadaag ayaa sheegay in howlgalada nuucaan ah ay sii wadi doonan inta amniga laga xaqiijinayo

