Iyadoo xiliyadi dambe ay soo badanayeen tabashooyinka laga qabo doorashada dalka ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka waqtigoodu dhamaaday waxa ay ka digeen in warar been abuur ah oo waxba ka jirin laga faafiyo doorashada dalka ka socota
Mid ka mid ah xildhibaanada waqti dheer kusoo jiray balamaanka dalka ayaa sheegay cabashooyinka ugu badan ee la qabo ay yihiin ku been abuur ah oo ladoonayo in lagu curyaamiyo doorashada golaha shacabka
Prof xildhibaan maxamed cumar dalxa oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa
Waxaana uu sheegay in doorashada golaha shacabka si wanaagsan ay dalka uga socoto dalka isagoo sheegay in loo baahanyahay in aan la buunbuunin wararka beenta ah ee lagu sheegayo in dalka aysan wax doorasho ah ka socon
Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in ay aad u bogaadinayaan heshiisyadii doorashada horay looga gaaray iyo in lagu dhaqmo
Dhankale xildhibaan dalxa ayaa sheegay in dalkaan ay faragalin ku hayaan dowlado shisheeye
Waxaana ku baaqay in qofkasta uu ka shaqeeyo siidii ay dalka doorasho uga dhicilahayd
Doorashada golaha shacabka ayaa si dardarleh dalka uga socota waxaana jira cabashooyin dhowr ah oo lag muujinayo qaabka ay usocoto iyadoona la sheegay in ku raasta qaar laboobay

