Dowladda Norway oo Baaq Kasoo Saartay Doorashadda Soomaaliya

0
Norway flag. Waving flag of Norway 3d illustration. Oslo

Dowladda Norway ayaa baaq kasoo saartay Doorashadda Soomaaliya,waxayna ku baaqday in doorashadda Soomaaliya ay noqoto mid xur iyo xalaal ah.

Norway ayaa qayb ka ahayd war-saxaafadeedyadii u dambeeyay ee diblumaasiyinta fadhiya Xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho soo saareen.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Dowladda Norway ee Magaaladda muqdisho ayaa lagu sheegay in xalka muran walba uu yahay wadahadal.

“Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog,Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Norway oo lagu daabacay barta safaarada ee Twitter-ka.

Xubnaha Beesha caalamka oo Dowladda Norway ay qeyb ka tahay ayaa dhawaan ku baaqay in Doorashadda Soomaaliya laga ilaaliyo wax caqabado ah,islamarkaana la isugu yimaado miiska wada-hadalka ah, wixii qaladaad ah oo dhaca.

“Saaxiibada caalamku  waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah.

Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here