Amni Xumada Muqdisho Oo Lagu Dhaliilay Madaxda Dowladda

0

Iyadoo muddoyinkii dambe ay falalka amnidaro iyo dilalku kusoo badanayeen Caasimadda Muqdisho ayaa waxa lagu dhaliilay in ay masuul ka yihiin Madaxda waqtigoodu dhamaaday ee Dowladda

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa sheegay in Amni darada ayaa qeyb ka tahay qabasha la,aanta doorashada iyo in madaxdu aysan xil gaar ah iska xilsaaray sugida amniga taasina ay keentay innuu faraha ka boxo.

Siyaasi muqtaar maxamed cali oo la hadlay idaacadda simba ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu amni xumada Muqdisho uu ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waxaaana uu sheegay in loo baahanyahay in la xisaabtan dhab ah uu la sameeyo laamaha amniga balse uu iska dhigayo qof ka indho iyo dhaga la.a.

Siyaasi muqtaar ayaa sheegay in amniga magaalada lagu soo celin karo in Ciidamo cusub oo dhalinyaro ah la qoro kuwaas oo tira ahaan gaaraya 4000 islamarkaasna loo xilsaaro kaliya sugida amniga Caasiamada Muqdisho

Dhankale waxa uu sheegay in qasab ay tahay in lala heshiis ah shabaab islamarkaasna ay dhankooda joojiyaan falalka amnidaro

Hadalka siyaasiga ayaa imaanaya xili labadii maalin ee lasoo dhaafay ay Muqdisho kusoo badanayeen dilalka qorsheysan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here