Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa Howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose , halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ujeedka Howlgalkaan ayaa waxa ay saraakiisha Ciidamadda Dowladda ku sheegeen kuwa ka dhan ah Al-Shabaab waxaana ay sheegeen in ay burburiyeen goobo Al-shabaab ay kulahaayeen deegaankaas oo ciidanka ay ka war heleen.
Dowladda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dadka Shacabka ah ee deegaanka Leego dhibaateeyeen islamarkaasna ay usoo dacwoodeen.
Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya xili saacadihii lasoo dhaafay ay jireen weeraro iyo qaraxyo toos ah oo xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ka fuliyeen Deegaano dhaca Gobolka shabeelaha hoose
Waxaana Ciidamada Dowladda ay sheegeen in sheegeen in haatan ay wadaan howlgalo dhowr ah oo amniga lagu xaqiijinayo

