Iyadoo wali xal rasmi ah gaarin khilaafkii u dhexeyey madaxweynaha dowlad goboledka putland saciid Cabdullahi Dani iyo taliyihii hay,ada PSF-ta waxana siyaasiyiinta iyo waxgardka ay dhaleeceyn kulul u jediyeen madaxweynaha dowlad goboledka putland saciid Cabdullahi Dani .
mid kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowlad goboledka Puntland oo la hadlay idaacada simba ee magalada muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne dani xil ka qaadistii uu ku sameeyay taliyaha Psfta ay tahay mid sharci dara ah islamarkaasna uusan xaq u laheyn in uu magacaabista iyo xilka ka qaadista agaasimaha hay,ada PSF-ta waxana sidoo kale xildhibaanku uu sheegey in Ciidamada PSFta ay tababaraan saraakiil markanka ah islamarkaasna mushaardkooda iyo daryeelkooda intaba ay bixiyaan dowlada maraykanka madaxweynaha Puntland uu faragalinta qaawin oo kala qeybin ah kuhayo.
shaley ayey aheyd markii ciidamada dowladda Puntland ay isku fidiyeen qaar kamid xaafadaha magalada bosooso waxana xaafadaha la isku fidiyey ka mid ah xaafada ridwaan oo ah halka ay ku taalo taliska hey,ada PSF-ta
maamulka Puntland ayaa waxa uu horey hay,ada PSF-ta uu ku edeyey in ay ka dambeyeen barakicinta ka bilaabatay magalada boaaaso ee xarunta gobolka bari waxan maamulka Puntland ay in usan aqbali doonin falal amni xumo ee ka jira boosaaso
Magaalada Bosaaso ayaa muddooyinkii ugu jirtey xiisad kacsanaan ah islamarkana ay isku horfadhiyeen ciidmada dowlad goboledka Puntland iyo kuwa psft
waxana xusid mudan in doyaasha iyo isimada Puntland ay wadeen waan waan lagu dhex dhaaxdinyo madaxweynaha dowlad goboledka saciid Cabdullahi Dani iyo taliska hey, ada PSF-ta

