Taliska Booliska Oo Sheegay In Ay Gacanta Kuhayaan Askar Dil Ka Geysatay Muqdisho

0

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay shaaca  ka qaadeen in ay gacanta kusoo dhigeen Askar Katirsan Ciidamada Dowladda oo wiil iyo Gabar walal ah ku dilay habeen ka hor Isgooska Dabka ee Magaalada Muqdisho

Afahayeenka Ciidanka Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in ay Ciidamada Booliiska ayaa hayaan Askari askari kale ku dilay Degmada wadajir ee gobolka banaadir iyo Gaari Cabdi bile ah iyo Ciidamo la socday oo wiil iyo gabar walaalo ah ku dilay Muqdisho

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxaa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska.

“Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh”

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay Dilalka ay Ciidamada Dowladda ay u gaysanayaan dad shacabka ah iyadoona sababta lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay barteen in rasaas ay wadooyinka ku furtaan taas oo marar badan sababtay dhimasho iyo dhaawac badan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here