Al-shabaab ayaa shaaciyay Magaca iyo Qabiilka Ninkii Isku Qarxiyay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo khamiistii marayay Dalcadda Cabdi Qaasim Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in ninka isku qarxiyay AMISOM uu ahaa dagaalyahan ka Tirsan shabaaab,islamarkana ka dhashay beesha Mareexaan.
Magaciisa ayay ku sheegeen Cali Nuur Muumin Galaal Dagaalyahankan oo da’diisu aheyd 35 sano jir ayaa ka dhashay beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Uur-Midig.
Wuxuu ku dhashay degmada Balad-Xaawo ee wilaayada Gedo sanadku markii ahaa 1986-kii halkaas ayuuna kusoo barbaaray kuna soo qaatay waxbarashadiisii aasaasiga.
Qaraxii dhacay Khamiistii ayay waxyeeladda ugu badan waxa ay soo gaartay dad shacab ah oo u badnaa ardey dhiganaysay Iskuulka Mucaasir.

