Xubno Shabaab ah iyo Keydkii Hubka Shabaab ee Magaaladda Muqdisho oo La Qabtay

0

Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay xubno shabaab ka Tirsan iyo hubkooda.

Qoraal ay Hay’adda ay soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ee Magaaladda Muqdisho.

“Ciidamada NISA  ee Duufaan ayaa howlgal ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ku soo qab-qabtay saddex Shabaab ka Tirsaneyd.

Howlgalkaasi oo ahaa mid qorshysan ayaa dhacay habeenimadii xalay waxaana warku intaa ku darayaaIn sidooo kale ciidankasi ay soo qabteen keydad hub ah oo kooxdaasi ay u adeegsan jireen in ay ku dhibaataeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada Duufaan,ayaa u mahadceliyay Bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan dadkii sida hufnaanta ah ula shaqeeyay laamaha Sirdoonka Qaranka ee ku guuleystay soo qabashada horjoogayaashaasi iyo nuucyadii hubka ee ay adeegsan jireen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here