Midowga Musharaxiinta Oo Rooble Ugudbiyay Walaacooda Doorashada

0

xubnaha midowga musharaxiinta oo shir,jaraaid ku yeeshay magaalada muqdisho kadib kulankii ay la yeesheeyeen raiisul wasaare rooble ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen hal fursad oo ay siiyeen raiisul wasaaraha.

xubnaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in ay walaac xoogan oo ka qabaan si ay ka bilaabatay doorashada golaha shacabka ay la wadaageen Raiisul wasaraha

waxaana ay sheegeen in uu la qaatay islamarkaasna uu dalbaday in fursad lasiiyo si  uu wada xaajood ula yeesho xubnaha kale ee ay doorashooyinka qabashadoodu ay quseyso.

afjhayeenka midowga musharaxiinta daahir maxamuud geele ayaa waxa uu sheegay in Raiisul wasaaraha  ay ugubiyeen boobka cad ee lagu hayo kuraasta doorashada iyo sida ay u dhaliishanyihiin qaabka ay ku kusocoto doorashada aqalka hoose

afhayeenka midowga musharaxiinta ayaa sheegay in raiisul wasaaruhu uu usheegay in uu shir isugu yeerayo galaha wadatashiga qaran si uu uga la hadlo cabashooyinkaan laga muujinayo doorashada

waxaana uu intaasi ku daray in shirkaasi uu iclaamiyay Raiisul wasaaruhu diirada lagu saarayo arimaha doorashada iyo sida wax looga badali lahaa si ay ku bilaabatay doorashada golaha shacabka

sidookale waxa uu sheegay in Raiisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono guddiyada doorashooyinka isaga oo ka hadlaya in ay raacaan habraacyada ee kasoo baxay heshiisyadii arimaha doorashooyinka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here