Ra’iisu wasaraha xukuumada xilgaarsiinta maxamed xuseen Rooble ayaa shaaciyay in shir degdeg ah ay iskugu imaanayaan golaha wadatashiga qaran kadib markii cabashooyin xoogan ay hareeyeen doorashada golaha shacabka oo dhawaan dalka ka bilaabatay.
arintaan ayaa timid ka gadaal markii uu raiisul wasaaruhu uu saacadihii lasoo dhaafay kulan la qaatay midowga musharaxiinta oo dhankooda muujiyay tabashada iyo walaaca ay ka qabaan doorashada.
Waxaana raiisul wasaaruhu uu sheegay in arintaan ay u baahantahay wadatashi ay yeeshaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka,isaga oo iclaamiyay shirka muhiimka ah ee lagu gorfeynayo culeysyada iyo tabashooyinka laga qabo doorashada aqalka hoose.
doorashada golaha shacabka oo dhawaan si dardarleh ku bilaabatay ayaa waxa laga muujiyay walaac fara badan iyadoona la sheegay in uu jiro laaluu iyo boob lagu hayo kuraasta qaar ee dowlad goboleedyada kadib markii ay soo baxeen xildhibaano dhowr ah oo xil ka haya dowladda haatan jirta ee waqtigeedu dhamaaday.
cabashada laga qabo doorashada ayaa cilka iskugu shareertay markii shahaadada musharaxnimo loo diiday guddoomiyihii hore ee golaha shacabka maaxmed sheikh cusman jawaari iyo markii uu taliyaha kumeel gaar ka ah ee hay,adda Nisa yaasiin abdulaahi maxamuud yaasiin fareey uu kusoo baxay doorasho natiijadeedda oo ka dhacday magaalada dhuusamareeb ee caasiamada maamulka galmudug.
Raiisul wasaare rooble ayaana sheegay in shirka looga hadlay wax keenay cabashooyinkaan iyo qaabka ugu fudud ee looga gudbikaro islamarkaasna lagu qaban karo doorasho xor iyo xalal ah oo dalka ka dhacda.

