Doorashada Kuraas Kamid Ah Golaha Shacabka Oo Markale Ka Dhaceysa Baydhabo

0

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya la filayaa in ay ka qabsoonto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay  in maanta oo isniin ah markale ay qabanayaan doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta maamulkaasi uu ku leeyahay Barlamaanka Aqalka Hoose Ee dalka.

Kuraasta sumadoodu tahay HOP#213, HOP#154, HOP#193 & HOP#180 ayaa lagu wadaa in maanta doorashadoodu ay ka dhacdo beydhabo.

Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed 11 kursi oo ay sheegeen in si hordhaca ah ay doorashada doorashadooda u qabanayaan ayaa waxa u dambeya afartaan kursi ee maanta doorashadooda la qabanayo.

Amaanka Magaala beydhabo ayaa aad loo adkeeyay
Waxaana si aad ah loo dareemayaa diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka ee Maanta Ka Dhaceysa Baydhabo.

Doorashada Golaha Shacabka iyo Qaabka ay haatan usocoto ayaa walaac xoogan laga muujiyay

Waxaana la sheegay in uu jiro boob xoogan oo dhanka kuraasta ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here