Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxa uu hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isagoo ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.
Ra’iisul Wasaare maxamed husein rooble ayaana Gudiyada Doorashooyinka waxa uu faray in si hufan ay uga soo dhalaalaan shaqooyinka arimaha doorashooyinka oo hatan maraya meel xaasaasi ah
Waxaana uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in Gudiyadu ay u hogaasamaan Shuurrcaha lagu Hirgalinayo arimaha dorashooyinka
Dhankale Madaxda dowlad gobooledyada ayuuna Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday in ay la shaqeeyaan gudiyada dorashooyinka madaama haatan ay Gudiga Doorashada heer federaal iyo heer dowlada goboleed ay caqabashaooyin dhowr ah ay wajahayaan
Ra’iisul Wasaare Rooble: ayaana tilmaamay in Marnaba aan la aqbali doonin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay siyaasadda ku milmaan, islamarkaana ay u shaqeeyaan Madaxda maamul goboleedyada.
Kulanka Ra’iisul Wasaare rooble uu la qatay gudiyada dorashooyinka ayaa ku soo aadeyso xili khilaaf uu soo dhaxgalay gudiga heer faderal iyo gudiga heer mamul goboled ee Koonfur galbeed Somaaliya
Iyadoona kuraas lagu muransayahay Doorashadadooda maanta lagu qabanayo magaalada beydhabo

