Doorashada Kursi lagu Muransanyahay Oo Maanta Ka Dhaceysa Baydhabo

0

Waxaana lagu wadaa in maanta Magaalada beydhabo in lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah doorashada Golaha Shacabka ee barlamaanka 11 aad ee dalku uu yeelanayo

Guddiga Doorashhyinka Dowlad Koonfur galbeed ayaa waxa ay si rasmi ah ushaaciyay kuraasta Diyaaraa ah ee doorashadooda laqabanaayo maanta oo axad ah 28 bisha

Guddiga ayaa sheegay in maanta la qabanayo Doorashada kuraasta sumadoodu tahay hop0 103,hop189 ,Hop041 Hop042

Kuraasta maanta doorashadooda ay qabanayaan guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxa ku jira kursi aad loo muransanayahay oo dhawaan doorashadiisa la laalay ama la hakiyay

Kursigaas waa kursiga sumadiisutahay hop103 oo uu horay ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Gollaha shacabka maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari

Waxaana xusid midan in dhawaan guddiga doorashooyinka uu sheegay in la hakiyay doorashada kursi gaas kadib markii ay soo if baxday in shahaadada musharaxnimo loo diiday Jawaari

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed(SEIT) Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baafo ayaa ka Warbixiyey Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Waxaana uu sheegay in aysan jirin wax cabasho ah oo ilaa iyo haatan loo soo gudbiyay sidaas tarteedana ay maanta doorashadu dhaceyso

Doorashada Golaha Shacabka  ayaa si dardarleh ku bilaabatay iyadoona ay soo ifbaxayaan boobka kuraas iyo cabashooyin Badan oo laga muujinayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here