Xildhibaanada Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya kalfadhigii 13 kulanka 49-aad Ee Barlamaanka Maamulkaasi
Kulanka maanta ee ay yeelanayaan Barlamaanka Puntland ayaa waxa uu ajandihiisu yahay wax ka badalka Xeerka Gacniga iyo warshadaha Puntland
Xeerkaan oo horay looga soo dooday islamarkaasna akhrita koowaad la marsiiyay ayaa maanta waxaa la marinayaan akhrintiisadaxaad
Waxa jirta hadal heyn badan oo ku aadan kulanka maanta ee barlamaanka Puntland kaasi oo ah mooshin laga wado heshiiskii shirkada Dp World ee Dekeda boosaaso
Warar lagu kalsoonankaro ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka Puntland ay qorsheynayaan in ay guddoonka barlamaanka Puntland ugudbiyaan mooshinka ka dhan ah heshiiska shirkada imaaraadka laga leeyahay Ee Dp World
Kul dhawaad 40 mudane oo ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa la sheegay in ay wadaan mooshinkaan oo lagu baabi.inayo heshiiskii shirkada Dp World ay la gashay Xukuumadda Puntland

