Waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari laga dareemaya Dhaqdhaqaayo xoogan oo ay wadaan Ciidamo Iska soo Horjeeda oo wada tirsan Maamulka Puntland
Dhaqyadaan ayaa yimid kadib markii Ciidamo gadoodsan ay dhufeysyo waaweyn ay ka sameynteen Gudaha Magaalada boosaso
Ciidamada Gadoodsan oo ah kuwa si gaarka ah utababaran ee PSf Puntland ayaa ay ka xaroodeen kadib markii uu madaxweynaha Puntland saciid cabdulaahi dani xilka laga qaaday agaasimahoodi
Taliska ciidanka Puntland iyo Wasiirka amniga Puntland ayaa shir jaraa,id oo ay qabteen ka Dalbaday agaasimaha in uu xilka wareejiyo
Balse Taliska Ciidanka psfta Puntland ayaa dhankooda Hadalkaasi ka jawaabay iyaga oo diiday in ay isoo dhiibaan ama xilka wareejiyaan
Magaalada Boosaaso ayaa waxa haatan lasoo sheegayaa in Ciidamo fara badan lagu daabulayo kuwasi oo laga qabsi qabo inay la dagaalamaan Ciidamada Pst oo mareykanku uu tababaray
Dadka ku sugan Magaalada ayaa sheegaya in ay daremayaan cabsi dagaal islamarkaasna marba markasii dambeeysa ay arkayaan dhaqdhaqayada iska soo horjeeda ee dagaal u midiya afeeysanaya

