Waxaana Maanta Xerada Generaal kaahiye ee magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland ku leeyihiin Aqalka hoose ee Barlamaanka Dalka
Doorashada oo barqanimadii maanta dhacday ayaa waxa ku tartamayay ilaa iyo sadax musharaxiinta oo Doonayay Kursiga Sumadiisu tahay HOP#272
Waxaana sadaxdaasi musharax ee maanta tartamay ay kala yihiin
1. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
2. Khadra Axmed Ibraahim
3. Cabdiqani Maxamed Maxamuud
Ergada soo Dooranaysa Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa Codka uqaadan musharaxiinta iyadoona uu soo baxay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan cumar kaas oo helay codad gaaraya 65 cod,
Marwo Khadra axmed ayaa iyaduna heshay 25 cod, halka musharax xildhibaan Cabdiqani Maxamed Maxamuud uu helay 7 cod.
Waxaana Sidaasi daraadeed in natiijada Doorashada Maanta ka dhacday Muqdisho uu kusoo baxay mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
Doorashada Galaha shacabka ayaa markaan si dardarleh ku socota iyadoona Shalay ay aheyd markii sidaan oo kale xerada General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho loogu doortay 5 Xildhibaan Oo Gobolada Waqooyi kumataya Barlamaanka 11 aad ee dalka

