Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare kala duwan geystay oo xalay Fiidkii ka dhacay agagaarka Xerada Generaal Gorden ee Magaalada Muqdisho ama Warshadii hore ee Caanaha
Qaraxaan oo ahaa miino Wadada Dhinaceeda la dhigay ayaa waxa lala eegtay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Dowladda
Waxaana Qaraxaan Ka Dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Inta la xaqiijiyay Sadax Askari oo ka tirsanaa ilaalada Sargaalka ayaa ku dhaawacmay qaraxa halka hal qof oo shacab ah uu ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho
Ruux shacabka ka ah ee dhintay ayaa waxa uu ahaa mooto bajajle wadada marayay
Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusoo badanaya marba marka kasii dambeysa qaraxyada
Waxaana habeenadii lasoo dhaafay joogta noqotay qaraxyada lala beegsanayo Xubno ka tirsan Dowladda
Wali laamaha Amniga Dowladda kama Aysan Hadlin Qaraxaani

