Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaaro kala duwam geeystay oo xalay ka dhacay Deegaanka Dhoobley Ee Gobolka Jubbada Hoose

Weerarka ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar xoogaan ku qaadeen saldhig Ciidamada daraawiishta Dowlad Goboleedka jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Dhoobleey

Waxaana lagu soo waramayaa in halkaasi uu ka dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Jubbaland

Dagaalka oo saacado badan qaaatay ayaa waxa la sheegay in uu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo gaaray

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maqlayeen dhawaqa rasaasta balse aysan xaqiijinkarin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaan iyagoona sheegay in qasaare xoogleh ay ku gaarsiiyeen Ciidamada maamulka jubbaland

Al-Shabaab wararka ay dhinaca intermeetka ku baahiyaan ayay weerarkaan uga hadleen

Waxaana ay sheegeen in xubno ka tirsan ay weerar ku ekeeyeen saldhig Ciidanka jubbaland ay ku lahaayeen deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose

Al-Shabaab ma shaacin tirada Rasmiga ah ee qasaaruhu la egyahay balse waxa ay sheegeen in weerarka ay ku dileen askar ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland

Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay Maamulka jubbaland oo looga hadlayo weerarkaan xalay lagu qaaday Ciidamada Daraawiishta jubbaland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here