Akhriso;-Sanator Dhawaan Dib Loo Soo Doortay oo Iscasilay+Sababta

0

Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah xubnihii laga soo doortay Galmudug ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Sanatarnimo.

Warqad uu 15-kii bishan u diray madaxweynaha Galmudug, waxaa uu ku sheegay inuu rabo inuu reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta.

“Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad baba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka uu isku casilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here